Xafiiska Cafimadka Daroor ee Gobalka jarar DDS

Xafiiska Cafimadka  Daroor ee Gobalka jarar DDS Xafiiska Cafimadka Deg.Daror ee Gobalka jarar warada health office

  xarunta cafimaadka Abokor health center oo malmahan u danbaysay ku hawlanaa dib u habaynta bilicda xarunta ayaa manta ...
06/12/2023

xarunta cafimaadka Abokor health center oo malmahan u danbaysay ku hawlanaa dib u habaynta bilicda xarunta ayaa manta lasoo gabagabeeyay

Mamulku xaruntu waxay soo bandhigeen shaqo quruxbadan aadban uugu mahad celinayaa dhamantood

Waa maxay sababta   (Stroke) badanaa ugu badan yihiin xiliga qubayska ee musqulaha? Faaligu inta badan waa ku badan yihi...
07/10/2023

Waa maxay sababta (Stroke) badanaa ugu badan yihiin xiliga qubayska ee musqulaha?

Faaligu inta badan waa ku badan yihiin xiliga qabayska, sababtoo ah marka aan galno musqusha waxaan waxaan biyaha ku bilownaa madaxa iyo timaha marka h**e taas oo aan ahayn arrin sax ah. Tani waa hab qaldan.

Sidan oo kale, haddii aad marka h**e madaxa qoyso, dhiiggu si degdeg ah ayuu madaxa ugu soo buuxsamayaa dhanka madaxa maadaama jirku ka howlgalayo xaaladda qabowga ama qoyaanka ee dhanka madaxa ka jirta, halbowlayaashuna way wada dillaaci karaan. Natiijo ahaan, istaroogu ayaa dhacaya ka dibna qofku dhulka ayuu ku dhacayaa.

Warbixin lagu daabacay Joornaalka Ururka Dhakhaatiirta Canada🇨🇦 ayaa lagu sheegay in khatarta h**ey loo sii saadaaliyay ay ugu wacan tahay istaroogga ama istaroogga yar, dhab ahaantii khatarta ayaa sii jiri karta oo xitaa ka sii khatar badan.

Haddii aadan qubaysan adigoo raacaya shuruucda saxda ah, adigana waxaad khatar ugu jiri kartaa faalidka.

Waa in aadan qoyn madaxaaga iyo timahaaga marka h**e marka aad maydhayso. Sababtoo ah wareegga dhiigga ee jidhka bini'aadamku waa heerkul go'an. Heerkulka jidhku waxa uu qaataa wakhti in uu la qabsado heerkulka ka baxsan. Sida ay dhakhaatiirtu sheegeen, biyaha madaxa ayaa marka h**e kordhiya xawaaraha wareegga dhiigga.

qubeyska ee saxda ah :-

Waa inaan qabayska ka bilownaa cagaha marka h**e. Ka dibna si tartiib ah garabaha kor ugusii wadnaa ilaa madaxa,

Habkan waa in ay raacaan kuwa leh dhiig karka, kolestaroolka sare iyo madax xanuunka goonjqbka.

Waa in macluumaadkan aad gaarsiisaa ama lawadaagtaa waalidiinta da'da ah iyo qaraabada.

Qiimaynta sanadlaha ah ee maareeyayashaa xarumaha caafimaadka iyo wadayaasha baaburta gurmadka degdega ah ayaa si guula ...
08/09/2023

Qiimaynta sanadlaha ah ee maareeyayashaa xarumaha caafimaadka iyo wadayaasha baaburta gurmadka degdega ah ayaa si guula noogu soo afmeerantay.

Qiimayntan oo diirada lagu saarayay qaabkii adeeg bixineed ee sanadkan dhamaaday iyo sida ay hawl- wadeenada caafimaadku ugudanayeen waajibadaada shaqo iyo kamidha dhalinta yoolasha caafimaad ayaa ahayd mid si fiican usoo dhamaatay.

dhaliiliha jiray sanadkan dhamaaday, iyo dardargalinta adeegbixinta caafimaad si sanadka bilowga ah loo gaadho natiijo fiican ayaa ahayd hadafka qiimaynta.

Waxa dhiiri galin iyo darajo siin loo sameeyay xubnaha hormuudka ahaa ee xafiiska haday tahay maamulka xarumaha iyo wadayaasha baaburta gurmadka ahba.



Waxaa mahada 1 aad iska leh ALLAH oo ay ogolaanshihiisa noogu qabsoontay sidoo kale waxaan umahadcelinayaa hawl-wadeenada xafiiska,xirfadlayaasha,Darawalada,waash-maanada iyo nadiifisooyinka xafiiska iyo xarumahiisa oo si xilkasnimo leh ugudunayay waajibadada shaqo ee bulshadooda.

Waxaan sidoo kale umahadcelinayaa cid kastoo nagu garab istaagtay adeegbixinta iyo in shaqaalaha caafimaadku ummada u adeegaan oo ay ugu h**eeyaan capinetka degmada.

Qurba joogta deegaanka oo sanadka si hagar la,aana hiil iyo hooba la garab taagnayd xafiiska caafimaadka aad iyo aad baan ugu mahadcelinayaa abaal wayna waanu uhaynaa xafiis ahaan iyo bulsho ahaanba.

ALLAA MAHAD LEH

Qiimeynta heer daboolka talaalka joogtada ee mashruuca PIRI ayaa laga bilaabay xarunta gobalka jarar Qiimayntan mashruuc...
31/08/2023

Qiimeynta heer daboolka talaalka joogtada ee mashruuca PIRI ayaa laga bilaabay xarunta gobalka jarar

Qiimayntan mashruuca PIRI ee lagu qabtay magaalada Dhagaxbuur ayaa lagu eegayaa geedisocodka talaalkan la siiyo caruurta da'doodu ka yar tahay 2da sano. Qiimayntan oo ay kasoo qeybgaleen Madaxa Xafiiska Xisbiga Barwaaqo ee gobolka Jarar, dhamaan madax xafiiseedada caafimaadka degmooyinka gobolka Jarar iskuduwayaasha xafiiska caafimaadka gobolka Jarar iyo xubno ka socda Xafiiska Caafimaadka DDS iyo bahwadaagta caafimaadka.

Ugu dambayna qiimeyntan oo socon doonta mudo laba cisho ah ayaa lagu eegi doonaa mashruuca PIRI ee adeega talaalka joogtada ee gobolka Jarar heer daboolka ka faaiidaysigiisa iyada oo laga soo saari doono qiimayntan qorshayaal xoojinaya dardargalinta adeegan iyadoona laga duulayo jihooyinka Xafiiska Caafimaadka DDS iyo heer dalba

Xafiiska Caafimaadka DDS: SRHB- Somali Regional Health Bureau.  Ayaa soo gaadhsiiyay talaagadihii iyo solar kii xarumaha...
07/08/2023

Xafiiska Caafimaadka DDS: SRHB- Somali Regional Health Bureau. Ayaa soo gaadhsiiyay talaagadihii iyo solar kii xarumaha cafimaadka gaar ahaan health postiyada

Goobaha ay soo gaadheen talagadaha iyo solarka casriga ah ee loogu tala galay routine epi ama talaalka caruurta waxaa ka mida
1.ina guuxaa health post
2.bisad health post
3.sanqole health post
4.kaam xasan health post
5.shabeele health post

Waxaan u mahadcelinaynaa xafiiska cafimaadka Oo si deg deg ah uuga soo jawaabay baahida xarumahan

Xaflada xidhitaanka Dugsiyada hoose dhexe degmada Daror ayaa sifiican uga qabsoontay barxada dugsiga hoose dhexe Burash ...
06/07/2023

Xaflada xidhitaanka Dugsiyada hoose dhexe degmada Daror ayaa sifiican uga qabsoontay barxada dugsiga hoose dhexe Burash oo kuyaal magalada Daror .

Waxaa xaflada oo agaasimay xafiiska waxbatashada Degmada , mamulka dugsiga iyo waalidinta .

Waxaana kasoo qaybgalay masuliyin kala duwan oo ugu h**eyo Kusiisimaha Gudomiyaha degmada axmed xirsi , madax waxbarashada cabdishakur xusen , duqa magalada foozi nuux iyo waalidin iyo arday farabadan.

Waxaa abaal marino lagudoonsiyay ardaydii natijiada fiican kakeenay sanad dugsiyeedkan dhamaday. .

Qiimayntii warbixinta sanadka 2015. TI ee degmoyinka Gobolka Jarar ayaa maanta soo gabagaboobay halkaas oo lagu abaal ma...
06/07/2023

Qiimayntii warbixinta sanadka 2015. TI ee degmoyinka Gobolka Jarar ayaa maanta soo gabagaboobay halkaas oo lagu abaal mariyay degmoyinkii natiijada fiican ka keenay qorshihii sanadka.

Degmoyinka laabaal mariyay waxay ahayen.
1. Degmada Dhagaxmadaw
2. Degmada Daroor
3. Degmada Dhbur
4. Degmada Dig
.

Waxaana lasoo xidhay qiimayntii labada sedexda maalmood socotoy.

Degmada Daroor ee gobolka Jarar waxaa kasocda ololaha baadhista iyo daawaynta Kaadi-dhiiga iyo gooryaanka.Xafiiska Caafi...
16/06/2023

Degmada Daroor ee gobolka Jarar waxaa kasocda ololaha baadhista iyo daawaynta Kaadi-dhiiga iyo gooryaanka.

Xafiiska Caafimaadka Degmadu gaar ahaan waaxda kahortaga cudurada ayaa degmada Daroor ee gobolka jarar kawada olole bulshada kunool qabaleeyada degmada lagaga baadhayo lagana dawaynayo cudurada; Kaadhidhioga iyo gooryaanka caloosha.

Ololahan ayaa waxaa fulinaya khabiiro kasocda Xafiiska caafimaadka heer degmo oo kaashanaya Xafiiska waxbarashada degmada iyo xirfadlayaal lootababaray fulinta ololahan.

Ujeedada Ololahan ayaa ah sidii hoos loogu dhigi lahaa halista caafimaad daro ee ay Keenan/sababaan cudurada; kaadidhiiga iyo gooryaanada caloosha kudhasha.

Xafiiska Caafimaadka Deg.Daroor
June 15, 2023

Degmada Darroor waxaa saaka si rasmi ah uga bilowday wajiga labaad ee ololaha talaalka iskudhafka ah.Degmada Daroor ayaa...
10/05/2023

Degmada Darroor waxaa saaka si rasmi ah uga bilowday wajiga labaad ee ololaha talaalka iskudhafka ah.

Degmada Daroor ayaa waxaa si rasmi ah uga bilowday wajiga 2aad ee ololaha iskudhafka ah ee talaalka kahortaga COVID-19, HPV ga iyo adeegyo kale oo barbar socda.

Ololahan qaybtiisii h**e ayaa waxaa socday bixinta talaalka kahortaga kansarka kudhaca afka h**e ee makaanka oo kaliya halka wajigan 2aad lagubixinayo adeegyo iskudhafka ah sida;
1) bixinta talaalka COVID-19 ka,
2) baadigoobka caruurta nafaqadarada ah,
3) baadigoobka caruurta aan waligood talaalka joogtada ah qaadanin,
4) baadigoobka caruurta kalooxtuurtay talaalka joogtada ah,
5) baadigoobka caruurta xanuunsanaysa
6) baadigoobka hooyooyinka iskufurka yeeshay xiliga dhalmada.

Xafiiska Caafimaadka Daror
May 10, 2023

09/05/2023

Bulashadu ha qaadato talaalka COVID-19

Address

Jijiga
251915433114

Telephone

+251915433114

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Xafiiska Cafimadka Daroor ee Gobalka jarar DDS posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Share